Kadib dagaal xooganaa oo xalay  ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo xoogag degaanka ah Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa looga saaray Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ee mudada dheer Maamulayay Magaalada Laas-Caanood ayaa isaga baxay, kuwaas oo ku sugan duleedka Magaalada, iyaga oo doonaya inay si awood ah Magaalada dib ugu soo laabtaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalķii xalay ay ku dhinteen in ka badan Saddex Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ahaa labada dhinac ee dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ayaa sheegaya in xaalad deganaan ah oo aan caga badan ku taagneyn ay kajirto, iyada oo Goobaha Ganacsiga Magaalada ay weli xiran yihiin.