Maxaa kala qabsaday weriyaha BBC-da Mary Harper iyo haweenkii Soomaalida ahaa ee mindida u sitay?

20

Waa qoraal ay qortay tifaftiraha BBC-da ee Afrika Mary Harper kuna saabsan waxyaabihii ay kala soo kulantay goobaha la isku qurxiyo ee Soomaalida.

Short presentational grey line

Waxa aan ku nasanayey oo ku fadhiyey mid ka mid ah kuraasta raaxada, ka hor intii aanay ii iman gabadh wadata mindi dheer oo afaysan.

Qacdii hore waan naxay, oo argagaxay.

Hadda se waan la qabsaday ag joogga haweenka dhankayga ula soo dhaqaaqaya mindiyaha. Wax kalena ma aha ee sababtuba waa qorshe is qurxin looga dan leeyahay.

Midiyahan oo wax lagu xardho ayaa lagu dhex isticmaalaa qolalka la isku qurxiyo iyada oo lagu xoqo xinnaha ama cillaanka laguu mariyaa, kolka uu kugu dhego ee uu kugu dul engago. Waxaana lagu xoqaa lugaha, gacmaha iyo faraha, taas oo soo saaraysa xaradhka iyo farshaxanka quruxda badan ee xinnihii ku abuuray jidhkaaga, kaas oo muddo kaddib si yar si yar u baabi’ doona.

Mar kasta oo aan tago caasimadda Kenya ee Nairobi, saaxiibtay Suheyba waxay igula kulantaa xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii – oo loo yaqaan “Muqdishada yar”. Qado hilib geel ah ka dib, waxaan aadnaa goobta la isku qurxiyo ee xinnahana lagu marsado – koofeerka ama saaloonka.

Kii ugu dambeeyay ee aanu tagnay waxa uu la ekaa armaajada oo kale, daah yar oo khafiifa oo jeexjeexan ayaana ka soocayey waddada sawaxan ka badan ee agtiisa maraysay.

Markaad se gudaha u gasho, wax kastaa wuu ka duwan yahay muuqaalka guud ee dibadda.

Bulshooyinka filashoodu tahay in dumarku is asturaan oo aamusnaadaan, goobaha la isku qurxiyaa waa meel ay ku nafisaan oo ay kaga soo dhuuntoodaan bulshadooda u afduuban ragga.

Waana wax badanaa dhaca in goobahani sidaa iska noqdaan. Booqasho dhawaan aan ku tegay, qof dumar ah ayaa soo gashay qolka la isku qurxinayey oo ku dhawaaqday in uu aad u kulul yahay. Intay indhashareerkeedii iska siibtay, lebbiskeedii dheeraa, koodhkii yaraa ee ay xidhnayd iyo dhammaan noocyada kale ee dhar hoose ahaa ee ay qabtay.

Wada sheekaysiga dabacsan

Dhanka kale Soomaaliya, meesha gabadh kastaa is dedayso halka u sarraysa illaa suulasha, halkaas oo ay sida oo kale xidhanayaan niqaab kaas oo qarinaya dhammaan wejigaaga kolka keliya laga tago indhaha/.

Markii ugu horeysay oo aan booqday goob la isku qurxiyo oo Soomaali leedahay, waxa igaga soo baxay wax yaab leh gabadhii iga furtay albaabkii goobtaas.

Dhowr ilbiriqsi ayay igu qaadatay in ay iga dhaadhacdo in gabadhi aanay xijaabnayn, timaheeda madaw ee quruxda u dhashayna garbahsa hoos uga degeen.”Haye, iska siib waxa aan macnaha lahayn,” ayay igu tidhi isla markii aan gudaha u galay, iyada oo iga caawinaysa in aan iska bixiyo xijaabka iyo dharka kale.

Markii gudaha galnayna waxay soo fidisay gogol dheer oo iga kaalamanaysa kolkaa dhex socsocdo in aanan ku kufin goobtan.Waxay i galisay qol ay dumarka iyo habluhu ku wada ku wada sugnaayeen iyaga oo qabay dhar kala duwan.

Qaar waxa xidhnaayeen saraawiil jiinis ah oo ku dheggan iyo garamaan yar yar- kuwaas oo badanaa ku dhex qarsanaan kolka xidhan yihiin cabbaayadda iyo dharka kale ee isku sii deyska ah ee ay xidhaan marka ay dhex joogaan bulshada dhexdeeda.

Waxaan goobtaas ku soo qaatay galab aad u qurux badan, annaga oo ka soo sheekaysannay haasaawaha habboon, cunayna keeg iyo macmacaan kale, iskana waraysannay habka sannadka kasta u dhali karto ilmo aad u qurux badan adiga oo dhanka kalena rabin in ninkaasu hawaysto xaas labaad. Waxaana dheer, in dhallaankaas sannadlaha ah ay badanaa noqdaan wiilal.

Noocyadii cillaanka ee ahaa kuwa ragga.

Markii ugu horraysay ee aan xinne masrado Soomaaliya, qofkii ii marinayey waxa uu soo saaray kartoon yar oo huruud ah, kaas oo dusha sare uu kaga dhegegan yahay sawirka nin qoslaya oo leh timo madaw.

Waxa uu aha xinnaha midabeeya timaha ragga oo laga keenay Indonesia. Waxay ku dartay budo xinne ah, iyada oo isku walaaqday marisayna maqaarkaygii caddaa.

Natiijadii ka dhalatayna waxa ay noqotay farshaxanka qurxoon ee badanaa ka muuqda maqaarka haweenka soomaalida ah. Waxayna qaadatay bilo in uu iga baaba’o.

Sida oo kale jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland. Mid ka mid ah waxyaabaha aan jecelahay ee aan sameeyo marka aan joogo caasimadda Hargeysa, waxaa ka mid ah in aan raacdo gaadhi tagsi ah oo kuwii hore ah xilli ay i weheliyaan koox dumar ah oo saaxiibo ah annaga oo tagna goobta Bella Rosa Day Spa.

Waa goob ay aasaastay gabadh soomaaliyeed oo go’aansatay in ay dib ugu soo laabato dalkeeda kana soo noqotay Canada oo ay ku noolayd tobannaan sano kaddib markii ay u qaxday xilligii dagaalladii sokeeye.

Waxaa goobtaas ka shaqeeya gebi ahaanba dad Kenyan ah. Qaar badan waxay hore uga soo shaqeeyey dalalka Khaliijka.

Qaar waxay xasuusan yihiin sheekooyin naxdin leh oo ku saabsan xadgudub jidheed iyo mid maskaxeed oo ku haleelay ama ay ugasoo joogeen Dubai iyo meelo kale. Waxa ay sheegeen in inkastoo ay weli ka fog yihiin guryahooda, mushaarkana uu yahay mid yar, haddana ay doorbidayaan inay joogaan magaalo Soomaaliyeed.

Waxyaabo badan ayaan bartaa inta lagu jiro waxa sheekaysiyada ka dhex dhaca goobaha qurxinta. Qurxiyayaashaa iyo macaamiishooda waxay furaan daaqadaha noloshooda – guurkooda, kalsooni darrada, niyad-jabka iyo daqiiqadaha farxaddeed ee ay la soo kulmeen.

Bilihii u danbeeyey se wadahadalladayadii goobahaas waxa ay isu beddeleen dhanka siyaasadda, markasta oo aan booqdo goobta quruxda ee aan jeclahay ee London ku taal.

Waxaa haysata gabadh Eratariyaan ah oo ku haysata meel yar oo waddada dhinaceeda ah oo nu dhaw aagga Brixton.

Waxa ay ii sheegtay sida isku xidhnaanshishii Itoobiyaanka iyo Erateriyaanka qurbajoogta ah uu u buburayo, ee siyaasadda ka taagan gobolka Tigrayga ee ciidammada Eratariyaanku qaybta ka yihiinj u saameeyey. Saaxiibbadii hore waa ay kala cadhoodeen, taas oo ka dhisan kala duwanaansha qawmiyadahooda.

Haddii aan dib ugu noqonno sheekadii haweenkii haystay mindiyaha. Marka kasta oo an mindidaas arko, waxaan xasuustaa xaalad kale oo igaga dhacday gabadh Soomaaliyeed oo mindi wadatay, markan se qorshaheedu qurux ma ahayn.

Waa fal dhacay mar aan ku waraysanayey magaalada Burco. Waxay fadhiday guri cooshado ka samaysan oo ku yaalla suuqa xoolaha, iyadoo dheri weyn ku dhex karsanaysa cunto. Warbixinteyda waxaan ku tilmaamay in ay “sabool’ tahay.

Markii ay maqashay tilmaanta aan siiyey. Sideen ugu dhiiraday inaan dhaho waa faqiir?

Way baxday oo u soo yeedhay qofkii suuqa igu soo wareejinayey. Markii ay la kulantay, waxay la soo baxday mindi dheer oo meel hoose ugu, waxayna ku dhawaaqday iyada oo cadhaysan in ay i dili doonto hadday mar kale i aragto.

Waa dilalkii iyo colaadihii sodonkii sano ee la soo dhaafay dadka ku soo dhaca maskaxdooda marka ay ka fikiraan Soomaaliya.Inta badan waxaa lagu tilmaamaa dalka ugu khatarta badan caalamka. Kaas oo hoy u ah budhcad-badeedda iyo naftood halligayaasha

Layaab iguma noqon in haweeneydaas ay rabtay inay i disho, waayo waxaan ku tilmaamay inay tahay miskiin sabool ah. Soomaalidu waa dad si qurux badan u isula han weyn.

Waana qabkaas midda igu soo jiidda qolalkooda quruxda, halkaas oo timo iyo nashqado qurxoon ay yaallaan – taas oo ka dibna inta badan waxay ku qarsoon yihiin xijaab iyo dhar waaweyn hoostood.

Waxaan rajaynayaa in aanan gabadhan mar dambe kula kulmi doonin suuqa xoolaha iyo in mindiyaha kaliya ee meel ii dhow iga soo gaadhaa ay noqdaan uun kuwa loo adeegsanayo in lagu muujiyo xarriijimaha qurxoon ee xinnuhu jidhkayga ku dhigay

BBC-DA Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here