Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa loo kordhiyay miisaaniyadeeda sannadlaha ah, waxa ayna wasaaradda sannadkan qaadaneysa saddex kun oo macalimiin cusub ah .

Warar soo baxay ayaa sheegayay in shaqaalaha cusub ee wasaaradda waxbarashada qaadaneyso lagu qeybsanayo nidaamka qabiilka ee 4.5 , waxa ayna arrintaasi dhalisay hadal heyn badan oo bulshada dhaxdeeda ah.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo la hadlay mid kamid ah Telefishinada dalka ayaa beeniyay wararka sheegaya in qaab qabiileed lagu qeybsanayo macalimiinta cusub ay qaadaneyso wasaaradiisa.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay hadda socoto xulista macalimiinta ay qaadaneyso wasaaradda waxbarashada, waxa uuna sheegay in macalimiinta lagu xulanayo tartan furan oo hufan loona saaray guddi kala saaraya macalimiinta shaqada soo codsatay.

 

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in macalimintta cusub la geyn doono goobaha u baahan waxbarashada , waxa uuna xusay in macalimiinta lagu xulan doono aqoontooda iyo qibradooda balse aan qabiil lagu qaadan doonin.

Miisaaniyadda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sannadkan la kordhiyay, waxaana lagu daray lacag badan oo la qorsheeyay in mushaar ahaan loo siiyo saddexda kun ee macalimiinta ah ee wasaaradda qaadaneyso.