Maxaa iska badalay Qorshihii Magacaabista Reysul Wasaaraha Soomaaliya.

182

Maxaa iska badalay Qorshihii Magacaabista Reysul Wasaaraha Soomaaliya.

 

Xalay waxaa la filayay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabo Reysul Wasaaraha Dalka

 

Xildhibaan Xamsa Cabdi Bare oo kamid ah Xisbiga UPD ayaa qorshuhu ahaa in loo magacaabo Xilka Reysul Wasaaraha Dalka waxaana Xalay la geeyay Xarunta Madaxtooyada si magacaabista loogu dhawaaqo hase yeeshee dib udhac ayaa yimid.

 

Warar aan ka helay ilo wareedyo muhim ah ayaa ii xaqiijiyay in Dr Xamsa dib loogu celiyay Halkii uu deganaa loona sheegay in Xilkan isaga loo magacaabi doono waxaana markii hore loo sheegay in uu sii joogo Madaxtooyada balse isaga codsaday in Hotelkisa loo celiyo

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Culeysyo kaga yimid dhinacya kala duwan kuwaasi oo la xiriira in Xulashada Dr Xamsa uu dib uga laabto

 

Dowladaha Dariska qaarkood iyo waxgaradka iyo Siyaasiyinta Beelaha daga Koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay kula taliyeen in uu dib uga noqdo go,aankiisa oo uu Xilka Reysul wasaaraha u magacaabo Shaqsiyaad kale ama Beelaha kale ee Awood qeybsiga uleh Kursigan.

 

Ma cada in Madaxweyne Xasan sheekh uu dib uga laabanayo go,aankisa waxaana suuragal ah in uu ku adkeysto Magacaabista Dr Xamsa ama uu ku qanco soo jeedinada kale.

 

Magacaabista Reysul wasaaraha waxaa laga yaaba in Maanta lagu dhawaaqo ama dib ay udhacdo iyadoo mudada 30ka Cisho ah ay maanta ku egtahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here