Soomaaliya waxaa ku nool in ka badan 50 nooc oo masas ah waxaana tiradaas ka mid ah kuwa yar oo sun leh, dadka ku dhufta ama qaniina isla markaana galaafta nolosha qaar badan oo ka mid ah dad ay qaniinaan.
Masaskaas tirada badan waxaa ka mid ah qaar Soomaaliya oo kaliya caalamka laga helo iyo kuwa meelo kalena laga helo.
Qormadan waxaan diiradda ku saari doonnaa inta dadka disha iyo meelaha ay kaga noolyihiin Geeska Afrika gaar ahaanna inta ay Soomaalidu ka degto.
Inta illaa hadda la ogyahay, geyiga Soomaalida waxaa ku nool shan mas oo wax dila inkastoo ay soocyo kale usii kala baxaan shantaasi.
Abeeso (Echis)
Dabcan haa, haddii aan ka hadlayno mas dilaa ah isla markaana ay Soomaalidu taqaan, abeeso in laga bilaabo waa la fahmi karaa. Magaca guud ama (magaca qoyska) ee abeesooyinka wuxuu seynisku u yaqaan ‘Viper’.
Abeesada oo marka ay Soomaalidu ka hadlayso aysan mas u aqoon balse ay abeeso u taqaan kana reebto masaska kale, ayaa ah mid caan ka ah aduunka oo dhan noocyadiisa kala duwanna ay ku noolyihiin meelo badan oo caalamka ka mid ah.
Nooc ka mid ah abeesada wuxuu gaar ku yahay Soomaaliya welina laguma sheegin meel kale tan iyo 1990-kii oo uu noocan qeexay, cilmi baare British – Barry Hughes ah oo Soomaaliya ka sameeyay daraasado masaska la xiriira, noocan waxaa lagu magacaabaa Echis Hughes.
Waxaa maskan si gaar ah looga helaa sida khariiadda hoose ka muuqata gobolka Bari ilaa sanaag iyo qaybo yar oo ka mid ah gobolka Mudug.
Siday wax u dishaa?
Masasku si guud laba sababood ayey wax u dilaan oo kala ah ugaarsi iyo isdifaacid, balse bini’aadmigu bartilmaameed cunto uma ah, sidaa darteed sababta kaliya ee mas kuu dili karo waa inuu cabsado kadibna qaab isdifaac ah uu foqka u qaniino.
Dhamaan noocyada abeesadu ma orod badna, xitaa qaabkooda ugaarsigu waa in ay meel isku qariyaan kuna sugaan in halkaas ay kusoo maraan waxyaabaha ay cunto sida jiirka iyo xamaaratada kale ee yaryar.
Abeesadu si guud waxay ku nooshahay qaybaha kala duwan ee dhulka balse nooca Soomaaliya laga helo waxay ku nooshahay dhul hoosaadka aan xeebtana ahayn dhanka dhulka sarena ahayn. Waxaa la sheegaa in ay dishay tiro ka badan inta ay dileen dhamaan masaska kale oo la isku daray oo qof.
Abeesadu way is aruurisaa iyada oo madaxa kor soo marsata isla markaana bixisa shanqar digniin ah marka ay cabsato. Sida uu sheegay Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi oo ah cilmi baare dhanka masaska ah isla markaan daraasado masaska ku saabsan ka sameeyay Soomaaliya, abeesadu way “ku dhufata” ee wax ma qaniinto, taas oo ka dhigan in ay madaxa soo ganto ka dibna ay qofka ku dhufato miciyaheeda oo isla markaana sun kooban sii daaya.
Si guud abeesadu waa mid ka mid ah noocyada masaska ee ugu halista badan waxaana la sheegaa qofka ay qaniinto in ay 24 saac gudahood ku disho, hadiisa ay suurta gasho in ay mudadas ku dili weydo waxay u badan tahay in qofkaasi badbaado.
Sunta masasku waxay u qaybsantaa mid dhiiga fariisisa iyo mid biyeysa, labadubana waxay qofka ku keenaan dhiig bax gudaha ah.
Abguri ama Bay (Bitis, Adee)
Maskan qofkii Soomaali ah ee arkaa wuxuu ugu yeeri lahaa abeeso, balse ka sokow in ay nooca aan kor kusoo xusnay wadaagaan magaca qoyska ee guud (Viper) noocani wuu ka duwan yahay Echis-ta. Waa mid buuran dhumucdana ka buuran, wuxuuna leeyaya qaab dhismeed dhanka madaxa ah oo ka duwan Echis-ka (Sawirrada isu eeg).
Noocani waa midka meel walba kaaga hor iman kara. Kaliya kuma noola waddammo badan ee wuxuu xitaa ku noolyahay meel walba oo dhulka Soomaalida ka mid ah, sida duurka, bannaanka, xeebta iyo xitaa buuraha.
Siduu wax u dilaa
Midka ugu halista badan masaska geeska Afrika ku nool waa kan dhowr sababood awgood:
- Meel kasta ayaad ku arki kartaa maadaama uu ku noolyahay qaybaha kala duwan ee dhulka.
- Wuu qaniinaa qofka halka Echis uu ku dhufto oo kaliya
- Sun badan ayuu qofka kusii daayaa
Wuxuu sii deynayaa sun ka badan saddex jibaar tan abeesada halka mar ee uu qofka qaniino, waana midka haddii xita qofka qaniinyada hore ka badbaado ay dhacdo in ay miciyihiisu ku haraan qofkuna sidaas ku naafoobo. “ Waxay ku kala duwan yihiin abeesadu way ku dhufataa isna wuu qaniinaa,” ayuu yiri xasan oo sharraxaya sida ay wax u weeraraan abeesada iyo Abgurigu.
Ma ordo, si la mid ah abeesada muddo dheer ayuu hal meel isku laalaabaa si uu ugaarsi ugu sugo halkaas. Wuxuu sidoo kale sameeyaa shanqar uu ku cabsi geliyo marka uu halis dareemo ama aadmiga iyo noolaha kale ee aanu iska celin Karin ay kusoo dhawaadaan.
Jilbis (Antractaspis)
Jilbisku waa mas noocya badan leh midabadiisuna badan yihiin “ madowbuu leeyahay, cagaarbuu leeyahay, casaanbuu leeyahay, booruu leeyahay, waa mas aad u tira badan marka waa kan aad u dila Soomalida.” Ayuu yiri Xasan.
Wuxuu ku noolyahay dhamaan qaybaha kala duwan ee dhulka si lamid ah abguriga. “Maadaama uu noocyo badan yahay waxaa laga yaabaa noocyada qaar in meelo gaar ah uun laga helo balse dhulka kaymaha ee dhirta leh ayuu ugu badan yahay,” ayuu yiri Baare Xasan.
Siduu wax u dilaa
Maskani aad ayuu u dheeraayaa waana mid ka baqa dadka. Inta badan si kedis ah ayey isaga hor yimaadan dadka, saas darteed si degdeg ah ayuu ugu dhuftaa wuuna baxsadaa.
Sunta Jilbiska ayaa sidoo kale ah nooc dilaa ah isla markaana si lamid ah abeesada muddo kooban ayey qofka ku dishaa. “Suntiisu dhiigga way fariisisaa xinjirbay ka dhigtaa kadibna maskaxda ayaa waayeysa dhiigii ay u baahnayd”.
Halaq (Mamba)
Maska Mamba oo Soomalidu u taqaan halaq waa mas dheer in kasta oo uu Jilbisku ka dheeryahay, wuuna orod badan yahay si la mid ah jilbiska.
Wuxuu ku noolyahay qaybaha kala duwan ee dhulka inkasta oo laga yaabo noocyo ka mid ah in meelo gaar ah ay ku noolyihiin. Maskani waa masaska dadka ka ag dhow maadaama uu cuno xawayaanada sida jiirka oo iyaguna dadka la nool.
Maskani wuxuu leeyahay nooc isaga ka mid ah oo madow kaas oo lagu magacaabo (Black mamba) waxaana lagu tiriyaa kuwa ugu dilaasan marka laga hadlayo dhanka nooca ay suntiisu tahay.
Maadaama uu ka ag dhowyahay dhulka deegaanka ah, marar badan ayey dadka iska hor yimaadaan, balse si la mid ah jilbiska, waa mid baxsada una badan in uu ku dhufto oo kaliya qof ay si kedis ah isku qabteen.
Cobra (Naja)
Maska Kobra waa mas dheer, orod badan marka uu baxsanayo, balse isku daya in uu is difaaco isaga oo adeegsanaya xeelado ay ka mid yihiin in uu madaxa sare u qaado oo qaybta sare ee jirkiisa uu joojiyo. Wuxuu leeyahay nooc isaga ka mid ah oo candhuuf tuura si uu isaga waabiyo dadka iyo noolah kale ee ay is haleelaan.
Si la mid ah maska aan kor kusoo xusnay ee Mamba ama halaq, maskani wuxuu ka ag dhowyahay dadka iyo dhulka deegaanka ah, isaga oo cuna jiirka iyo noolaha kale ee dadka la nool.
Maskan waxaa badan dhalmadiisa waxaana loo dhaqdaa siyaabo kala duwan, “waxaa laga yaabaa ilaa konton inuu dhalo halkii mar”. Waxa uu sheegay Xasan in maskan suntiisa laga sameeyo waxyaabo ay ka mid yihiin sunta cayayaanka looga dilo beeraha.
Halistiisa
Maskan wuxuu ka mid yahay kuwa caanka ah kuna nool meelo badan oo caalamka ka mid ah. Waxaa jira nooc ku badan dhulka Soomaalida oo guduudan isla markaana ku caan ah in uu tufo candhuuf. Candhuuftan ama dheecaanka ayaan ahayn mid wax dila, haddii ay u badatana sida ay sheegeen senisyahannadu, waxay jirka ku keeni karta oo kaliya cuncun iyo wax la mid ah, halka haddi ay indhaha kaaga dhacdo ay keen karto indho madoobaad muddo kooban ah.
Maskani wuxuu ka mid yahay noocyada ay dadku meelaha qaar u adeegsadaan madadaalo, balse waxaa la sheegaa in sunta laga saaro xilliyada loo adeesanayo bandhigyada.
Sida looga badbaado halista masaska
Masasku waxay deegaanka u leeyihiin muhiimad gooni ah, “waxa jira waxyaabo isaga ku noo oo aynu u baahanahay iyo waxyaabo halis inagu ah oo uu isagu inaga cuno,” ayuu yiri Xasan oo ka hadlayey muhiimdda uu deegaanka u leeyahay masku. Hase yeeshee dadka ayey mararka qaar iska hor yimaadaan, waxaana loo baahan yahay in halistiisa lag dhowrsado.
Tala ugu muhiimsan ee ay bixiyaan xeeldheerayaashu waa “in la kala barto kan wax dila iyo kan kale.
Talada labaad waa in maska hadiiba la arko laga fogaado maxa yeelay, sida aan kor kusoo xusnay laba sababood oo kaloiya ayuu masku wax u dilaa, tan hore waa inuu ugaarsanayo oo uu qaniino xawayaanka uu ugaarsanayo. Tan waxay dadku kaga badbaadayaan in masaska aan so sheegnay oo ah noocyada yaryar, aysan dadku u ahayn bartilmaameed ugaarsi ama cunto.
sabata labaad ee ay wax u qaniinaan waxay tahay in ay iskaga difaacaan waxa ay halis u arkaan. Tan waxaa looga dhowrsan karaa in marka hore laga feejignaado oo haddi aad maska aragto aad ka fogaato.
Haddiise ay dhacdo in aad si kedis ah ku kulan taan isla markaana uu qaniinyo ama dhufasho kula helo, waxa la hubo waa dawooyinka sunta masaskan ka hor tagta inaad raadiso, balse maadamaa aysan tani dhici karin laba sababood awgood oo kala ah:
- In badanaa masasku ay dadka ku qaniinaan meel aan goob caafimaad ka dhaweyn
- In qaar ka mid ah masaska aan kor kusoo xusnay ay muddo kooban qofka ku dili karaan
Labadan sababood awgood dadka Soomaalidu waxay yaqaanaan xeelad ah haddii ay qofka qaniinto abeeso ama Abguri oo Soomaalidu ay abeeso isku dhahaan labada, in qofka aan halkaas uu ku qaniinay laga qaadin marka hore. Guri ayaa halkaas looga dhisayaa sababtoo ah haddi la dhaqdhaqaajiyo qofku wuu dhiig baxayaa gudaha iyo bannaankaba.
Tan labaadna waxaa jira dhagax ay yaqaanaan Soomaalida ku dhaqan meelaha abeesada badan oo qofka laga saaro halka uu ka qaniiinay kaas oo sunta soo saara.
tan saddexaadna waxay tahay in qofka laga matajiyo, caano hilib, subag iyo biyo ayaa la siinayaa si qofka uu sunta u matago ama gadaal uga keeno.
Sunta masaska ayaa si dhakhso ah wax u disha, balse haddii qofku uu ku dhiman waayo 24-ka saac ee ugfu horeeyay wuxuu Xasan sheegay in “ay u badan tahay in qofkaasi badbaado”.
BBC SOMALI