Maanta oo Arbaco ah, Macbarka Rafax ee Masar waxa loo furi doonaa Falastiiniyiinta dhaawacan, si loogu daaweeyo Isbitaalada ku yaalla gudaha dalkaasi.

Madaxa Warbaahinta ee Hay’adda maamusha Macbarka Rafax,  Wael Abu Muxsin oo la hadlay Wakaallada Wararka  Türkiye ee Anadolu News Agency ayaa xaqiijiyey in Macbarka  Rafax loo furay, si ay uga soo gudbaan Falastiiniyiin dhaawacan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Dowladda Masar ay fasaxday inay 80 Bukaan oo Falastiiniyiin maanta ka soo gudbaan xuduudka Macbarka Rafax la wadaago Marinka Qasa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Waqooyiga Siinaay, Maxamed Shosha oo la hadlay Telefishin Maxali ayaa xaqiijiyey in Macbarka Rafax loo furay inay ka soo gudbaan Falastiiniyiinta ku soo dhaawacmay Duqeymaha Milliteriga Israel ku hayaan dadka Reer Falastiin.

Dhanka kale, 3 Isbitaalada guurguura iyo Teendhooyin ahaa laga dhisay Waqooyiga Siinaay ee dalka Masar meel ku dhow Macbarka Rafax, si loogu qaabilo Falastiiniyiinta soo dhaawacmay.

Si kastaba, Duqeymaha Israel ku hayaan dadka ku nool magaalladda Qasa iyo Guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa waxaa lagu dilay in ka badan 9,000 oo Falastiiniyiin ah.

Share.

Leave A Reply