,

Ciidamo ka tirsan kuwa Deegaanka oo Fariisimo ku leh halkan wexeey u Diyaarsan yihiin ineey Alshabaab ay ka saaraan Deegaanada Jiinka wabiga ee Gobolka ee Gobolka Hiiraan,

Nabadoon xaraare Cabdi Afrax Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed Agaasimaha Hay’adda Socdaal iyo jinsiyada laanta Shanaad. Ibraahim Xuseen Yuusuf Sheelare Maxamed Cabdullahi Cabdi isagane kamid ah Saraakiisha Guutada Shanaad Qeeybta 27 ee Ciidamada Xooga Dalka soomaliyeed iyo Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa Kormeeray Fariisimahaan oo ay ku sugan Ciidamada Deegaanka

Masuuliyiintan ayaa sheegay in Ciidamada Deegaanka looga Baahan Yahay Alshabaab ineey ka Saaraan Deegaanada Jiinka Wabiga iyagoona sheegay in Dowlada Soomaliya au Garab taagan tahay

Nabadoon Xaraare Cabdi Afrax Nabadoon Maxamed wehliye Sabriye iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ayaa ugu horeeyn la hadlay Warbaahinta

Agaasimaha simaha hay’adda Socdaa iyo Jinsiyada Dowlada Soomaliya Ibraahim xuseen Yuusuf sheelare iyo Maxamed Cabdullahi Cabdi oo asigane kamid Saraakiisha Qeeybta Todobo ìyo laabatanaad ayaa sheegay in Ay Hogaamin Dooonaan Ciidamadan,

Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane iyo Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir maxamed oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya ay sheegay ineey markaan u Diyaarsan yihiin Ciidamada Deegaanka ineey kala qeeyb qaataan Dagaalka Alshabaab.

Share.

Leave A Reply