Wasiirka gaashandhigga xukuumadda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen ciidanka Danab.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa munaasabadda ay ku wareejinayeen hubka, agab ciidan iyo gadiidka ka sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen xoojinta la dagaallanka kooxda Khawaarijta ee argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ciidanta, ayna taageeradan fariin u tahay dalalka kale sida Soomaaliya ay ugu diyaar garowday ciribtirka argagixisada, laguna aamini karo hubka casriga ah.

Wasaaradda gaashandhigga ayaa mudooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Khawaarijta, iyadoo hadda laga xoreeyey deegano badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.