HomeWararkaMareykanka oo cunaqabateyno hor leh kusoo rogaya Dowladda Ruushka

Mareykanka oo cunaqabateyno hor leh kusoo rogaya Dowladda Ruushka

Maraykanka ayaa rajaynaya in cunaqabatayntooda cusub ee Ruushka – oo lagu wado in loogu dhawaaqo shirka kadhacaya Japan – ay ku qancin doonto wadamada kale ee G7 inay iyagana kordhiyaan cunaqabateynada ka dhanka ah Ruushka.

Washington ayaa sheegtay in tillaabooyinka cusub – oo ay ku jiraan in Rushka laga mamnuuco 70 hay’adood inay helaan waxyabaaha laga soo dhoofiyo Mareykanka.

Sidoo kale 300 oo kale oo cunaqabateyno cusub ayaa  lagu soo rogaya shaqsiyaad ama hay’ado kale kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Ruushka uu u adeegsanayo dagaalka Ukraine”

Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka dhexeeya xiisad diblomaasiyadeed, waxaana Mareykanka uu taageero uu siinayaa Ukraine oo ay dagaallo culus ku jirta dowladda Ruushka, dagaalka ayaana socda in ka badan muddo sanad ah.

Must Read

spot_img