Maraykanka ayaa ku Baaqay in si dag dag ah losii daayo adeeg-yqda aas

164

Maraykanka ayaa ku Baaqay in si dag dag ah losii daayo adeeg-yqda aas aasiga ah ee Gobalka Tigray.

Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg-deg ah loo billaabo adeegyada aasaasiga ah ee deegaannada ay colaaduhu ka jiraan ee Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antonio Blinken.

Bayaan uu soo saaray ayuu Bliken ku ammaanay horumarka ay dhinacyada Itoobiya ka sameeyeen gargaarka bini’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan.

Mareykanka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Meelaha Qaar ay Colaaduhu ka socdaan Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda; Wuxuu sheegay in ka badan 1,100 baabuur oo sida gargaar bini’aadantinimo ay soo gaareen gobolka Tigray todobadii maalmood ee la soo dhaafay.

Anthony Blinken Wuxuu u mahadceliyay dowladda Itoobiya, maamulka Canfarta iyo maamulka gobolka Tigreega oo fududeeyay gargaarkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here