Wasiirkii uggu horeeyay ee Maamulka Hirshabelle oo qabtay shaqo aad muhiim uggu aheyd reer Hiiraan halka wasiiraddii kalle ay Tahriibeen.

Waa maalin weyn maanta oo kalle waanna maalin ka mid ah maalmaha uggu qaalisan reer Beletweyne iyo guud ahaan Shacab-ka Gobolka Hiiraan, shaqadda ka socota Airport-ka Beletweyne waa mid lasugaayay waqtigeeddiina timid.

Waxa aan maqalno lacag ayaa ladhacay xagga ayaa wax lagga leexsaday kuwa ayaa hub soo qaatay iyo dhacdooyin kalle oo aad u qalafsan maanta waa ay ka duwantahay oo waa maalim weyn waxaann ku mahadsan Alla subxanahu watacallaa.

Waxaa mahad gaar ah muddan wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabelle Wasiir mouse Sallaad wehliye kaas oo noqday wasiirkii uggu horeeyay oo qabto shaqo muhiim u ah shacab-ka reer Beletweyne iyo Guud ahaam Hirshabelle tariikhda ayaanna xusi doonto madaamma horey u jireen wasiiro Tuugga ah oo dhacdo Boob iyo Kutagri falid Hantiyayeed moyee wax kalle loogga baddan .

Wasiir Hirshabelle ah marka ay dadka maqlaan waxa ku soo dhacaaya Tahriib iyo in Hanti ay dhacaan balse maanta waxaa soo baxay hal wasiir oo u ceeb astray Gabigood sidda ay u dhanyihiin waanna arrin muddan inneey ku daysadaan wasiiradda kalle madaamma shaqadoodda ay tahay inneey wax u qabtaan umadda ay xilka u hayaan.

Dhanka kalle waxa aan marnabba aan laxaqiri karin Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Ahmed Moalim Hassan oo ah shaqsi Aqoon iyo Qibrad u leh arimaha Gadiidka Airport-radda oo aan ogeyn halka uu gaarsiiyay Hawadda Somalia ayaa dhaxda u xirtay siddii Airport Beletweyne loogga dhiggi lahaa Mid heer caalami ah si bad qab ahna ay diyaaradaha ugga soo deggaan uggana Kacaan .

Shaqadaan hadda socota waxa ay si mug leh u iftiimineysaa ineysan jirri doonnin innuu hakad geli doonin howl maalmeedka shaqada Ugaas Qaliif international Airport madaamma marka ay Roobab da’aan laggu kalla yaaci jirray oo Albaabadda leyskugu laabbi jirray Airportka balse maanta lasoo afjaray .

Dhamaan Shacab-ka reer Hiiraan waxaa waajib ku ah inneey u mahad celiyaan wasiirkaas shaqadda muhiimka ah u qabtay halka wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Abdirahman Guure Karoore uu noqday mid aan garaney shaqadda uu haayo iyo cidda uu u shaqeynaa oo illo war gal ayaa sheegaaya innuu noqday shaqsi laheysto ah.

Howl wanagsan oo aad qabato ayaad ku gaarri kartaa Himilo kasta oo aad leedahay waanna inta laggu kalla tagay nin shaqadiisa ka soo baxay ayaa muddan mahad iyo garrab istaag, mar labaad ayaan leeyahay wasiir mousoow waad mahadsantahay sharaf iyo karaamma ayaad muddan tahay.