Mane: Waxa Aan Doonayaa In Aan Koob Walba Kula Guulaysto Bayern

97

Xiddigii hore ee Liverpool Sadio Mane ayaa sheegay in uu diirada saari doono ku guulaysiga koob kasta kadib markii uu ku biiray kooxda Bayern Munich.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Mane ayaa koob walba oo suurtagal ah kula guulaystay kooxda Liverpool intii uu jooagy kooxda Liverpool.

Mane ayaa soo afjaray 6 sano oo uu joogay Liverpool isaga oo ku biiray kooxda Bayern Munich todobaadkii hore.

Riyadiida ugu weyn waa in aan Bayern kula guulaysto koob kasta”ayuu Mane yidhi.

“Markii aan maqlay xiisaha Bayern Munich aad ayaan u farxad waxana aan isku arkay in aan u ciyaari karo kooxda.

Waxa aan doonayaa in aan kula guulaysto Bayern champions Legaue, Bundesliga iyo waliba koob walba oo suurtagal ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here