Manchester City oo heshiis kala gaartay Leeds United saxiixa Kalvin Phillips

151

Manchester) 24 Juun 2022. Shabakada Athletic ayaa daaha ka qaaday in Manchester City ay ku guuleysatay inay heshiis la gaarto kooxda Leeds United, kaasoo ku saabsan qiimaha ay kula wareegeyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer England Kalvin Phillips.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Manchester City ay bixin doonto ku dhawaad ​​45 million pounds, si ay ula soo wareegto mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican kubadda cagta Ingariiska mudooyinkii u dambeeyay.

Phillips ayaa ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee Pep Guardiola si uu ugu xoojiyo khadka dhexe ee Sky Blues, kaddib markii ay Man City horey ugu guuleysatay inay Erling Haaland kala soo wareegto Borussia Dortmund.

Kalvin Phillips ayaa la filayaa inuu ku soo laabto tababarka Leeds si uu isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub ee 4-ta July,  laakiin 9 maalmood gudahood Man City ayaa laga yaabaa inay si guul ah u soo gabagabayso wada xaajoodka oo ay ku dhawaaqdo in ciyaaryahanka uu u wareegayo safkeeda toddobaadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here