Man United Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Chelsea Ee Cristiano Ronaldo

59

Kooxda Man United ayaa ka jawaabtay xiisaha chelsea ee saxiixa xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo kaas oo ay Blues si lama filaan ah xiiso ugu muujisay.

Milkiilaha chelsea ee Todd Boehly ayaa la kulmay wakiilka Cristiano Ronaldo si uu ugu qanciyo in uu yimaado Stamford Bridge.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Man United ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo uu ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Man United suuqa xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa sheegtay in ayna iibin doonin Cristiano Ronaldo suuqa xagaaga wax walba oo dhan.

Kooxda Man United ayaa sheegtay in uu Critiano uu sii joogi doono Old Trafford xilli ciyaareedka cusub isla markaasna uuna meelna uga socon kooxda.

Man United ayaa sheegtay in uu Erik Ten Hag doonayo in uu Cristiano ka qayb ahaado kooxda Man United ee uu ku dagaalami doono xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here