Maleeshiyo beeleed si yaab leh uga aargutay Al-Shabaab kadib dakano ay ka galeen

249

Maleeshiyaad ka tirsan beesha Xawaadle ayaa weerar aar gudasho ah ku qaaday fariisin ay kooxda Al-Shabaab ku laheed degaan lagu magacaabo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyagoo dilay ku dhowaad 20 dagaalame.

Ninkaan ayaa xusay inay weerareen ‘taliskii ugu weynaa’ ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Booco ee gobolka Hiiraan, isla markaana ay dileen in ka badan toban dagaalame, sidoo kalena ay la wareegeen saldhiggii iyo maxkamad ay halkaas ku lahaayeen. Wuxuu sheegay inay dagaalkii shalay ku qabteen maxaabiis ay markii dambe sii daayeen.

Mar la waydiiyay dhankooda khasaaraha gaaray wuxuu ku jawaabay, “Annaga wax khasaare ah oo nasoo gaaray ma jiro, dad aad u taxaddaraya oo meesha si feejigan ku galay ayaan ahayn.”

 

Way sarriigasho beeshay haddiiba qofka isaga oo aan dambi gelin la dilayo, haddii uu galana la dilayo, qof haddii la dilo qof un baa loo dilaa, marka mudankii ay laheeyeen ayaan marsiinay Al-Shabaab oo dhawr toban qof ayaan ka dilnay, haddii ay berri sidoo kale nagu sameeyaanna sidii si lamid ayaan u xasuuqi doonnaa,” ayuu yiri ninkaan oo magaciisa sababo amni loo qariyey

Ugu dambeyntii ninkaan wuxuu sheegay in ay qabiil ahaan isku abaabuleen, ayna ka go’an tahay in qofkii Shabaab ka disho ay u aaraan, macawiisleydaan is abaabushay ayaa shalay degaanka Booco kala wareegtay Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo ka dhacay degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here