Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa go’aansaday in safar ay ku tagayaan magaalada Las Vegas uu ku daro kulamada diyaar garawga xilli ciyaareedka dambe.
Man United ayaan dhinaca Maraykanka tagin tan iyo 2018 markaas oo uu Jose Mourinho kooxda hoggaaminayay iyadoo dhawr bilood kaddib kooxda laga caydhiyay macalinka Portuguese-ka ah oo aan wakhtigaasba xaalad fiican ku jirin.
Man United hore uma tagin magaalada Las Vegas inta ay tagayeen Maraykanka balse waxay kulan koox Premier League ah oo aan wali la magacaabin kula ciyaari doonaan gegida Allegiant Stadium.
Garoonkaas ayaa ah mid ay leedahay kooxda Las Vegas Raiders ee ciyaarta NFL-ka, Daily Star ayaa sheegaya in dhaqaale fiicani kasoo xaroono doono balse ay jirto sabab kale oo uu Ten Hag halkaas u gaynayo xiddigaha kooxdiisa.
Ten Hag ayaa doonaya inuu ogaado sida ay ciyaartoydiisu u dhaqmi doonaan mudada ay joogaan Las Vegas oo ah magaalo naanayso badan oo ay kamid yihiin “Magaaladii dambiga” iyo “Magaalada aan seexan” leh.
Tababaraha Dutch-ka ah ayaa doonaya inuu ku kala shaandheeyo xiddigihiisa isagoo calaamadin doona kuwa sharciga dhaafa ee u qaata inay fasax u joogaan Las Vegas