Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo kaddib markii uu xilka la wareegay 16 Febraayo 2017 magacaabidii u horreysay uu sameeyay waxay

38

Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo kaddib markii uu xilka la wareegay 16 Febraayo 2017 magacaabidii u horreysay uu sameeyay waxay ahaayeen Agaasime Madaxtooyo oo si KMG xilligaas ugu magacaabay Amb. Cali Saciid Fiqi oo xilligaas ka mid ahaa Teamkiisa Ololaha, ahaana Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Dhammaadkii bishii Maaarso 2017 waxaa uu so rasmi ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada u magacaabay Saaxibkiis Abuukar Baalle, labo bilood kaddib 31 May isla sanadkaas Agaasimaha Madaxtooyada ayuu u magacaabay Fahad Yaasiin oo ahaa dadkii wax ka soo dhisay ee Ololaha la soo galay.

Haddaba Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxaa uu mari doonaa waddadii uu Farmaajo qaaday ee saddexdii bilood u horreysay uu 3 Agaasime Guud Madaxtooyada ku magacaabay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here