Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan dagaalka Al-Shabaab, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.
Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.