Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ganacsatada Soomaalida Kenya kala hadlay gurmadka Abaaraha

151

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.

Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.

Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay siweyn uga qeyb qaayeen gurmad loo sameeyay dad ay Gudaha Soomaaliya ku saameeysay abaar ka dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here