Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya

131

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ugu  horrey Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir, isaga oo kala hadlay xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlay goobta ayaa yiri “Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan”

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska shaqada wanaagsan ay u hayan Qarankooda, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka,  dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka.” Sida uu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Kormeerka uu maanta ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa noqonaya kii labaad uu sameeyo tan iyo doorashadiisa 15 May 2022-ka, isaga oo horay booqasho ugu tagay xarunta Wasaaradda gaashaandhiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here