Madaxweyne Xasan oo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub kala hadlay soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

198

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka Madaxweynaha iyo Annette Weber ayaa ku saabsanaa dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyada oo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada

Dhanka kale labada mas’uul ayaa isla gartay “muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed”.ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada

Ugu Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here