Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in maanta maalin ay guul uga dhowdahay dadka iyo dalka aysan soo marin, ayna tahay in la is raaciyo cadowga
Dadka Soomaaliyeed walaalayaal maanta maalin guul nooga dhowdahay ee aan is raacino cadowga. Dadaalkii aan ka billownay Xawaadle iyo agagaarka Xamar wuxuu sii marayaa maanta Xarardheere, Camaaro, Maxaas illaa Aadan Yabaal iyo Ruun-Nirgod,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu ka dhawaajiyay in maalintii la bilaabay howl-gallada socda illaa maanta laga adkaanayay kooxda Al-Shabaab oo lasii eryay, marwalbana god laga sii bixinayay illaa la isku furo qeybo badan oo dalka oo sanado badan ku sugneyd kooxda.
Ilaahay intii Shabaab dileen Janno ha siiyo, kuwa dhaawaca ahna Allaha u booga-dhayo, Ilaahay wiilasheena iyo gabdhaheena hortaagan cadowgaas Ilaahay iyo Islaamkaba ka furtay guul ha siiyo.”
Waxa uu intaas sii raaciyay madaxweynaha “Umadda Soomaaliyeed Ilaahay boggooda burcad ha isku mariyo oo ha walaaloobeen, oo ha midoobeen, guul iyo gobonnimo dhameystiran Ilaahay idinkiis.”
Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.
Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.
Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.