Kulan dhanka Video Call ayuu Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin maanta kula hadlay dhigiisa dalka Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweyne Putin ayaa waxaa uu Xi Jinping ka codsaday inuu Booqasho Rasmi ah ku yimaado magaalada Moscow sanadka soo socda ee 2023-ka.

Labada Hoggaamiye ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood iyo Arrimaha Caalamka, gaar ahaan Ukraine, Taiwan iyo Maraykanka

Putin iyo xi Jinping ayaa waxay Shaqsi ahaan u kulmeen labo jeer sanadkan 2022-ka, iyadoo uu Putin booqday Shiinaha bishii February, xilli Ciyaarihii Olombikada Adduunka lagu qabtay Caasimadda dalkaasi ee Pejing

Sidoo kale, labada Hoggaamiye waxay mar kale bishii September isku arkeen Shirkii Ururka Iskaashiga ee Shanghai Cooperation Organization oo lagu qabtay magaalladda Samarkand ee dalka Uzbekistan.

 

W/Q: Ustaad Nuuradiin