Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa bartiisa X (twitter) soo dhigay qoraal ka careysiiyey Somaliland, oo uu ku diiday fikradda gooni u goosadka ee Hargeysa, isaga oo dalbaday wada-hadallo dhex-maray Somaliland iyo dowladda federaalka.

Museveni ayaa qoraalkan soo daabacy kadib markii uu xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilka Somaliland ee Uganda Jaamac Muese Jaamac.

“Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ergeyga gaarka ah ee Somaliland ayaa iigu yeeray xarunta madaxtooyada ee Entebbe,” ayuu Museveni ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X. “Ma taageersanin in Somaliland ka go’do Soomaaliya, sababtoo ah xeelad ahaan, waa mid khalad ah.”

Qoraalka Museveni ayaa waxaa ka fal-celiyey dad badan oo reer Somaliland ah oo madaxweynaha Uganda u qoray jawaabo caro leh oo ay kaga xun yihiin.

https://x.com/KagutaMuseveni/status/1705542583735193990?s=20

Museveni ayaa inta badan ah siyaasi aan la gaban hadallada, wuxuuna hadda kahor sidoo kale hadal u muuqday bahdil ku hor yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u sheegay inaanu isku haleyn ciidan shisheeye ee Soomaaliya ay dhisato ciidankeeda, si ay u sugaan amniga 

 

Share.

Leave A Reply