Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Gudiga farsamada Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ee u qareemidda ka qeyb-galka haweenka siyaasadda dalka oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar.
Kulankaan ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ka qataan qeybgalka arrimaha siyaadda iyo adkeynta qoondada haweenka oo ah saamiga ah ay siyaasada ku leeyihiin.
Gudigaan ayaa ka koobnaa Hay’adaha Dowladda Federaalka, Wakiilo ka kala socday Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale.