Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ka duulaya hirgelinta hannaan ku dhisan sharci iyo xeerar dowladnimo ayaa maanta saxiixay Xeerka Ciidanka Booliska oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga Gudaha ayna ansixiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Munaasabada lagu saxiixayay Xeerkaan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga.

Share.

Leave A Reply