Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidaka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ah ee loo yaqaan Macawiisleyda.

“Madaxweynaha ayaa danjire Mohamed Souef ka gudoomay dhambaal tacsi ah kadib qarixii shalay ee khawaarijtu ka geysteen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxa uuna dhanka kale kaga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulankam

kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta  doorka Midowga Afrika ee dardargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Nabadeynta deegaanada Hirshabeelle.