Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlaawe Hussein ayaa xali kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire İbrahim Mete Yağlı.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay sidii loo maareyn lahaa fatahaadaha uu sameeyo wabiga shabeelle, dhisida biyo xireeno iyo kanaalo lagu xakameeyo qulqulka biyaha, Horumarinta Wax soo saarka beeraha, Kalluunka, iyo dhameystirka Wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.
Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, kor u qaadista horumarinta mashaariicda, Xoojinta Amniga iyo Sidii loo Dardargelin lahaa Wajiga 2-aad ee howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Danjire İbrahim Mete Yağlı dadaalada iyo garab istaaga Dowlada Turkiga ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
-DHAMAAD-