HomePolitcalHirshabbelleMadaxweyne Guudlaawe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Guudlaawe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee UK (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay xaaladaha guud Dalka gaar ahaan Hirshabeelle sida guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaaladii lala galay AS Howlgalada wali socdo iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee howlagalada lagu ciribtirayo AS.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista mashaariicda Dowladda Ingiriiska ay ugu talagashay deegaanada Hirshabeelle iyo arrimaha xasilinta oo dowladda ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada

Must Read

spot_img