Madaxweyne Farmajo oo dhawaan loga adkaadey doorashadii dhacdey 15 May 15, 2022 ayaa caawa ka guuray Villa Somalia.
Farmajo ayaa guuray guri ku yaal agagaarka Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho”waxana uu dagi doonaa Guriga lagu magacaabo Villa Kaah kaas oo ay horay u daganaa xiligii doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.
wararka ay radiohalgan.com heshay ayaa sheegaayo in Farmajo u baneynaayo Villa Somalia maalinta Isniinta xiligaas oo la filayo in Madaxweynaha cusub Soomaaliya Hassan Sheikh uu xilka la wareego.