Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Wadada Saddex xidigood ee Caasimadda Garoowe oo Hab casri ah loo Laami ah loo dhisay, Waxaa lagu dhisay Wadada Cashuurtii Shacabka Caasimadda oo Dalka bib-loogu celiyey.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Howlaha Guud Mudane Axmed Bashiir, Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye oo ah Guddoomiyaha Guddiga Howlaha Guud ee Golaha Wakiillada DPL, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cawil Mataan, Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, Taliyaha Qeybta Booliska, La-taliyeyaal Madaxweyne, Guddiga Horumarinta Degmada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.