Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka dhegaystay guddiyada heer wasiir ee ka shaqeynayay Gobolada Gardafu, Bari iyo Karkaar oo ay ka qabsoomtay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha goleyaasha deegaanka .

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada la qabtay iyo sida bulshada saddexda gobol ay uga qeybgaleen isdiiwaangelinta una fahmeen muhiimada ay u leedahay in awooda loo dhoweeyo shacabka, wuxuuna Madaxweynuhu u rajeeyay gobolada kalena in ay sidaasi iyo si kasii wanaagsan uga qeyb qaataan.

Wasiirradan ayaa u sheegay madaxweynaha in bulshada Puntlnad gaar ahaan kuwa ay kala kulmeen saddexda gobol ay tageen uga muuqatay rabitaanka in codkooda ku ciil baxaan ayna si weyn isugu diiwaangeliyeen doorashada.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland