Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni ayaa diyaarad ka qaaday caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 

Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ciidan ayaa Madaxweyne Siciid Deni kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso. Madaxweynaha ayaa badi loo xiray maanta waddooyinka muhiimka ah ee Boosaaso.

 

Sida ay sheegayaan warar ay heshay Puntlandtimes, safarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee Boosaaso ayaa la xariira saddex arrimood, kuwaas oo kala ah xarig ka jarka balaarinta iyo casriyeynta garoonka diyaaradaha Boosaaso, dhagax-dhiga dib u dhiska iyo balaarinta Dekedda Boosaaso iyo soo xiritaanka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka golayaasha deegaanka ee goballada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso kulamo la qaadan doona maamulka gobalka, kan degmada, saraakiisha ciidamada iyo qaar kamid ah isimmada dhaqanka ee gobalkaas.

 

Ilo-wareedyo ka agdhow Siciid Deni, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu qaabili doono inta uu joogo Boosaaso wafti saraakiil sirdoon ah oo ka socda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo iyaguna maalmaha soo socda imaan doona xarunta ganacsiga Puntland.

 

Si rasmi ah looma oga waxa ay ka wada-hadli doonaan Deni iyo saraakiisha sirdoonka Dawladda Imaaraadka, oo Puntland ka taageerta Ciidamada PMPF oo ay maamulaan qoyska Madaxweyne Deni