Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay Xaaladda siyaasadeed ee deegaannada Dowlad-Goboleedkaas ayaa beeniyay eedaha uga yimid Mucaaradkiisa ee la xiriira in uu ka caga-jiidayo Doorasho dhacda Billowga sanadka 2024.
Deni ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ku guuleystay in uu qabto Doorasho qof iyo cod ah oo u qabsoomay si xor & Xalaal ah isaga oo dhaliilay Dadka duraya siyaasaddiisa oo uu ku sifeeyay in ay diidan yihiin natiijada meesha loo socda waa sida uu yiri.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay duruufaha loosoo maray natiijada Doorashada dadweynaha oo uu tilmaamay in meelaha qaar oo koronto la’aan ka jirtay la geeyay matooro si loo helo iftiin codadka lagu tiriyo.
“Nasiib darro Degmooyinka qaarkood waxaa Dadka loo diiday in ay codeeyaan iyaga oo kaararkooda gacanta ku heysta, Qabsoomidda Doorashadu way xaqiijisay Puntland, Deegaannada qaar oo kala fog waxa ay qaadatay in maalintii laga codeeyo isla habeenkiina codadka la tiriyo iyada oo la adeegsanaya matooro, 530 goob ayay doorashadu ka dhacday, waxaa lagu guuleystay 10ka Habeennimo in natiijada la hayo” Siciid Cabdullaahi Deni.
Mucaaradkiisa ayuu dusha ka saaray in ay sameeyeen iskudayo kala duwan sida in ay weerareen sanaadiiqda codbixinta, kicinta Dadka, hubka oo ay u qaateen in ay dhaawacaan Nabadgalyada iyo tallaabooyin kale oo ay sameeyeen.
“Waxaa hadda la dooranayay Goleyaal deegaan oo runtii culeyskooda & dareen gooni ah lahaa, waxaa la doortay 730 wax ka badan oo 30kaas degmo ah, 9 urur Siyaasadeed ayaa u tartamay waxaana Puntland u suuragashay in ay maareyso oo doorasho hufan oo xalaal ah ay dhacdo, waxaase jiray caqabo dad gaar ah ka imaanayay inkasta oo lagu guuleystay in wacyigelin baahsan laga sameeyo oo dadku ku ogaadeen natiijada meesha loo socda” ayuu hadalkiisa kusii daray Siciid Deni.
Mucaaradka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland oo muddooyinkii dambe kulmayay ayaa soosaaray digniin la xiriirta natiijada aan habbooneen ee ka dhalan karta iskudayga ay sheegeen in uu Madaxweyne Siciid Deni ku rabo dib u dhigista Doorashada