Madaxweynaha dowlad Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qaraxyo Is-miidaamin ah oo shalay ka kala dhacay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, qaraxyada ayaana loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii ku naf-waayay qaraxyadii ay Al-shabaab ka geysteen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo burde.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weeraradii qaraxyada ahaa ee Al-shabaab geysteen ay ku dhinteen dad shacab ah,  Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dadkii ku shahiiday qaraxyadaasi in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawaca ahna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Jalalaqsi iyo Buulo-burte, halka dad ku dhow 30 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyada, waxaana dadka qaba dhaawacyada culus loo qaaday dhanka magaalada Muqdisho, si loogu daaweeyo.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka dhacay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte, dhowr jeer oo horey ayey sidaan oo kale qaraxyo xooggan uga dhaceen degmooyinkaas, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.