Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa ka qeybgalay munaasabad soo dhoweyn iyo casho sharaf ay u sameeyeen beelweynta dagoodi ee dalka kenya.
Munaasabada soo dhoweynta Madaxweynaha oo ay kasoo qeybalay Gudoomiyaha Magaalada Wajeer Mudane Axmed Cabdullaahi Jiir, Senator Cabaas Sheekh Maxamed, Xildhibaan Faaduma Jeexow, Xildhibaan Xildhibaan Aadan Keynaan Wehliye, Xildhibaan Bashiir Cabdullaahi, Xildhibaan Suleekha Haaruun, Xildhibaan Aadan Daud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Wajeer Cabdullaahi Yuusuf, Xoghaya Joogtada Ibraahim Rashiid, Waxgaradka iyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee beesha dagoodi soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa waxa uuna tilmaamay in beeshaan yihiin dad ku tilmaaman wanaag iyo walaal jaceyl isagoo adkeeyay inuu wax ka qaban doono caqabadaha ay soo jeediyeen.
i