Madaxweynihii Koowaad ee Hir-shabeelle Dr.Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Barta Facebook ku leyahay ayow ku qoray qoraal hoose sii Aqri

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa yiri
Waxaa ii muuqaneysay intii muddo ah dadka Soomaaliyeed badankood iney yihiin hayin raac. Wexey qaataan go’aanno, wexey diidaan aragtiyo ama wexey ka fal celiyaan arrimo eysan fahamsaneyn.

Qorraallada Facebook la soo dhigo ayaa u badan waxa ay ayagoo aanan fahmin ka fal celiyaan ama ayagoo fahmay haddana ka been sheegaan. Khaladkaas waxaa hormuud mar walbo ka ah kuwo ay garashadooda hooseyso ama u jooga iney ka shaqeeyaan xumaan iyo dad isku dir. Dadka noocaan ah marka keliya ee ay noqdaan dad xakameysan waa markii aayad quraan ah lagu soo bandhigo Facebook, taasoo eysan uga gaabsan Alle ka cabsi darteed balse ay og yihiin iney cid walba ku qabsaneyso khaladka ay ka sheegayaan quraanka Alle.

Dadkaan si ay ummadda u marin habaabiyaan wexey ku xisaabtamaan iney noqdaan dadka u horreeya ee qoraalka wax ka dhaha, sababtoo ah wexey fahamsan yihiin dadka badankood iney qoraalka oo ay akhriyaan maskaxdoodana ka shaqeysiiyaan iney ka jecel yihiin iney daba kacaan jawaabaha ama replyga kooban ee uu munaafaqa sida khaldan u dhigay.

Arrimahan waxaan uga gol leeyahay qoraal aan shalay soo dhigay facebook oo ay koox munaafaqiin ah, kuwo aragti gaaban iyo kuwo hayin raac ah ay si khaldan u tarjumeen, taasoo aan rabo inaan inta miyirka qabta ee maskaxda leh si aad u kooban ugu sheego waxaan shalay dhahay iyo waxaanan dhihin, anoo weliba huba qoraalka aan hadda wado qudhiisa iney isku dayi doonaan iney dadka si khaldan ugu sharaxaan balse waayeelkadood.

Aniga marna ma aanan dafirin oo qoraalkeyga ayey ku jirtay iney Puntland horumar ku tallaabsatay iyo iney dadkeeda karti iyo aqoon leeyihiin. Sidoo kalana waxaan sheegay dhaqaale la’aan iney adag tahay in degaan la horumariyo, dhaqaalaha ay Puntland heshana uu xooggiisa ka soo galo Koonfurta Soomaaliya oo ay xiriir ganacsi la leedahay.

Ugu dambeyntiina waxaan qoraalkeyga ku muujiyay inaan waxa aan Puntland ka dhibsaday ay tahay xiriirkan ay marba tiraahdo waan jarnay taasoo aan u arko iney caalamka u arkayaan Soomaalida iney yihiin waddan iyo ummad aanan diyaar u aheyn iney dib u midoobaan.

Qoraalkeygii sidaa ahaa ayey ku soo boodeen dhowr isku darsaday munaafaqnimo iyo iney wax walba si khaldan u macneeyaan ayagoo warkoodu yahay sidee Puntland loo soo hadal qaadayaa.

Puntland marnaba kama xuquuq badnaan karto dowlad goboleedyada kale, dadkeedana kama fadli badnaan karaan Soomaalida inteeda kale, taas weliba hoos looma dhahayo ee kor ayaa loo sheegayaa, micnaheedana ma aha inaan Puntland nacayo. Munaafaqow gacmuhu yeysan ku daalin.