.
Allah u naxariisto Cabdullahi Ciise wuxuu xaq u lahaa inuu howshiisa sii wato, laakin wuxuu xilkii raiisulwasaare ku waayay inuu ku qabiil ahaa Allah u naxariisto Madaxweyne Adan Cabdulle Cisman.
Soomaali wey jeceshahay iney qabiil ka gudubto haddana lixdan iyo laba sano kadib meeshii ayaan taaganahay oo iskumaba eynaan dayin inaan ka mira dhalino rabitaankeena riyada ah.
Waxaan talo ku soo jeedin lahaa in la tijaabiyo sidii qabiil looga gudbi lahaa lagana bilaabo xilka Raiisulwasaaraha, haddey u badato waa afar sano oo tijaabo ah, ama waa ka mira dhalin laheyn ama riyadaa meel baan iska dhigi laheyn, waxaana dhaqmi laheyn annagoo raali ku ah inaan nahay waddankii qabiillada Soomaalida. Anoo fikirkeyga ku sii dhawaanaya waxaan soo jeedinayaa in Raiisulwasaare M X Rooble loo dhaafo xilkiisa.
Fadlan cabbir aragtidaada adoo adeegsanaaya aqoon, waaya aragnimo iyo diin, inaad qof u geftana iska ilaali oo aakhiradaada ayey saameyneysaa