Madaxweynaha Somaliland oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay doorashooyinka kusoo wajahan

285

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda  iskaashiga Somaliland iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulanka Xubno kamid ah golaha Wasiirada, waxaana Madaxweyne Muuse Biixi uu Xubnaha wafdiga uga mahad celiyay taageerada ay Somaliland siiyaan Midowga Yurub.

Somaliland ayaa waxaa dhawaan kusoo wajahan doorashoyinka Madaxtooyada, iyada oo xusid mudan tahay in ay isku khilaafsan yihiin Xukuumadda iyo Mucaaradka oo ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi in uu doonayo muddo korosi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here