Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha Amniga, Howlgllada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Fatahaadaha iyo sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyeen fatahaada, kor u qaadida mashaariicda horumarinta, iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh Hirshabeelle.
Madaxweynaha oo kulankaan ku wehlinayay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Saadaq Salaad Warsame ayaa Danjire Tiina Intelmann uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen mashaariicyada horumarinta.