Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Madaxweynaha Eritrea oo ka laabtay go’aan culus oo uu 10 sano ka hor gaaray
    Dibadda

    Madaxweynaha Eritrea oo ka laabtay go’aan culus oo uu 10 sano ka hor gaaray

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 10, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea.

    Kenya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyey inay si joogto ah meesha uga saaraan shuruudaha fiisaha ee muwaadiniintooda.

    Talaabadan ayay ku macneeyeen inay kicin doonto isbadalka dhaqaale ee  labada dal

    Hadalkan ayaa Khamiistii laga sheegay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, markii Madaxweyne Ruto uu wadahadallo laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki.

    “Waa in aan helnaa nidaam ka madax bannaan caqabadaha hortaagan is-dhexgalka dheeraadka ah, xoojinta xiriirka iyo kor u qaadista ganacsiga gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

    Labada dal ayaa ku heshiiyey inuu jiro ganacsi iyo maalgashi aad u weyn oo u dhexeeya iyaga oo u baahan iskaashi habaysan.

    Waxay soo qaateen tamarta la cusboonaysiin karo, maamulka biyaha, beeraha, gaadiidka, amniga, dalxiiska, macdanta ciyaaraha, dhaqaalaha buluuga ah iyo waxbarashada.

    “Iyada oo la hawlgelinayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, waa in aan iska kaashanaa sidii aan u samayn lahayn fursado dhaqaale oo dalalkeenna u dhexeeya.”ayuu yiri Madaxweyne Ruto

    oo ammaanay sida ay Eritrea uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

    Tani, ayuu Madaxweyne Ruto xusay, in ay dhabaha u xaarayso iskaashiga nabadda iyo horumarka gobolka.

    Madaxweyne Afwerki ayaa sheegay in Eritrea ay ka go’an tahay in ay qaaddo tallaabooyin sahlaya sii xoojinta xiriirka dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ee kala dhaxeeya Kenya.

    “Waxaan sii wadi doonnaa horumarinta maalgashiga wadajirka ah, waxaana ka wada shaqeyn doonnaa sidii aan u wanaajin lahayn nabad iyo ammaan waarta,” ayuu yiri intii lagu jiray kulankooda warbaahinta wadajirka ah.

    Dhinaca kale madaxweynaha Eritrea ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu mar kale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD ee uu muddada 10-ka sano ka badan ka maqnaa.

    Madaxweyne Afwerki oo muddo dheer ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa haatan  bilaabay dhaqdhaqaaqyo uu isku furfurayo si dalkiisa uu wax ula qeybsado dalalka kale ee gobolka.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMareykanka: Lama aqbali karo duqeymaha joogtada ah ee lagu hayo Laascaanood
    Next Article Dagaalkii Laascaanood oo Maalintii shanaad sii socda

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Soomaali loo Maxkamadeeyay Afduubka Wariye Ajnabi ah

    March 8, 2023

    Maxkamad Federal oo ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa bishii February…

    Daawo:- Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Dowlada Hirshabelle oo maanta howlo dayactir ah ka bilowday qeybo kamid ah Wabiga Shabelle

    March 13, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.