Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo saaray Wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, kuna saabsan magacaabis Wasiirro.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle:
Markuu arkay: Qodobada 56aad iyo 57aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda.
Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle.
WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN
Qodobka 1aad
1- Waxaa Mudane Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.
2- Waxaa Mudane Cabdixamiid Maxamed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.
3- Waxaa Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.