INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Burka-dirimeed: 23, Sabteembar, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii bahalnimo ee khawaarijtu ka geeysteen Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa xusay in la joogo dhamaadka kooxdaan khawaarijta ah ayna ku jabeen dagaalada lagula jiro ee dalka looga ciribtirayo, ficilada guracan iyo xasuuqa ay geeysanayaana ay tahay mid ay ku cabsi galinayaan shacabka Soomaaliyeed ee u istaagay dabargoynta iyo baabi’inta khawaarijta dhiigya cabta.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay dadkii shacabka ahaa iyo ciidankii geesiyaasha ahaa ee ka hortagay weerarkaas bahalnimo ee ku shahiiday qaraxii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah siiyo.
-DHAMAAD-