Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxaristee Taliye Xigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Marxuum Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) Ciidamadii Qaranka ee saakay ku dhintay dagaal ku bilowday qaraxyo oo kooxda Al-shabaab ah ku qaaday Degmada Galcad Gobolka Gadaduud.

Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in marxuumku ahaa geesi qaran oo naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka, isagoo lafdhabar u ahaa howlgalladii Al-shabaab looga xoreeyay degaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay marxuum Xasan Tuure iyo ciidankii kale ee ku dhintay dagaalka inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo, dhamaan qoysaskii, qaraabadi iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ka baxeen samir iyo iimaan Eebbe haka siiyo.

Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Kumaandooska ee Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) iyo Ciidamo kale ayaa lagu dilay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka lagu qaaday Degmada Galcad.

 

 

Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa ka mid ahaa saraakiisha laf dhabarka u ahaa howlgalada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Wararka laga helayo Dagamada Galcad ayaa sheegay in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad.