Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Anita Kiki Gbeho.

Madaxweynaha dowlad Hirshabelle yo Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan Howlagallada deegaanada Hirshabeelle looga xureynayo kooxda khawaarijta ah ee alshabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda oo iskaashanaya ay cadowga ka xureeyeen deegaanno iyo degmooyin ay Khawaarijta ku dhibaateen jireen shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro cadowga ay kamid yihiin in maanta ay isu furan yihiin isu socodka Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Aadan-yabaal, Ruunirgood, Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne oo dhowr iyo toban sano ay u go’naayeen argagixisada cadowga ku ah jiritaanka iyo badqabka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in dhamaan deegaanada laga xureeyay argagixisada laga fulin doono barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.