Madaxweynaha Costa Rica oo Burcadda Internet-ka wax ku jabsata ku tilmaamay Kooxo Afgambi la damacsan Dowladdiisa.

112

Rodrigo Chaves Robles, Madaxweynaha Costa Rica ayaa sheegay Dowladdiisa ay dhibaato xooggan ku qabto Kooxaha Burcadda ah ee dhaca joogtada ah u geysta Internet-ka oo beegsaday Xafiisyo kala duwan.

Madaxweynaha Costa Rica ayaa kooxahaas ajnabiga ah ku sheegay in ay damacsan yihiin in ay afgambiyaan Dowladdiisa oo la dhibaateysan kasoo kabashada dhibaatooyinka dhaqaale ee kasoo gaaray faafitaanka Covid-19.

Waxa uu intaas ku daray in Kooxahaan ay cuuryaamiyeen nidaamkii Canshuuraha, Mushaharkii Macalimiinta & adeegyada Caafimaadka si ay u sameeyaan marin-habaabin una dhaawacaan Geeddi-socodka Dowladdiisa.

Dalkaan ku yaalla Bartamaha Ameerika ayaa qalqal xooggan soo foodsaaray kaddib markii weerarada Madaxfurashada ah ay ku kordheen, weeraradaan ayaa bannaanka soo dhigay awoodda Dowladdu u leedahay la dagaalanka Burcadda.

Madaxweynaha Costa Rica ma sheegin waddanka ay u dhasheen ama kasoo jeedaan Ajaanibta shisheeye ee jabsanaya Koontooyinka Dowladda, Shacabka ayaa ka careysan in Dowladda aanay wax ka qaban weeraradaan joogtada noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here