Daawo:- Muqaal” Madaxweynaha Cali Guudlaawe oo shirkii ugu horeeyay Layeeshay Golihiisa wasiirada cusub oo dhawaan uu soo dhisay.

212

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda ee Dowladda Hirshabeelle.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda, Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Ku Xigeenadiisa, Xubnaha Golaha Xukuumadda, Lataliyaal sar sare iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulan wadareedkaan oo ah kii 1aad ee nuuciisa ah oo xukuumadu qabato waxaa socon doonaa labo Maalmood waxaana looga hadli doonaa barnaamijka xukuumadda, hanaanka abaabulka iyo wadashaqeynta Golaha Wasiiradda, waxa uuna dib u fiirin doonaa waajibaadka shaqo ee Golaha Wasiiradda iyo Wasaaradaha iyadoo la xaqiijin doono wadajirka iyo wadashaaeynta Golaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here