Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

 

Waxaa sidoo kale furitaanka shirka ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe), Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen Siyaasiyiin, Odeyaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Waxaa sidoo ku sugnaa shirka Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo ay ku jiraan siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo xubno kale..

 

Shirka ayaa looga hadlayaa khilaafaadka ka dhex jira siyaasiyiinta Koonfur galbeed, muranka ka taagan muddo kordhinta uu sameystay Madaxweyne

laftagareen iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

 

 

 

 

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar inagu jiheynaya horumarka iyo nabadda.

 

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafid, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa inay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.” ayuu yiri Xassan Shiikh.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.