Madaxweyne ku xigeen DG  Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa  ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlayay  garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in sida dadka qaar ay la tahay aan Al-Shabaab weli laga gaarin guul weyn, islamarkaana weli aan laga saarin degaaannada Hirshabeelle.

Sidoo kale ‘ Yuusuf Dabageed ayaa Tilmaamay in dagaal ay kula jirnaan uu yahay  in ay difaacaa dalka oo ay u dhintaan & in ay iyaga oo sharaf leh oo Hirshabeelle ku xarragoodaan ay  noolaadaan, wax aan ka heyn labadaas go’aan aysan u furneyn,” waana sida uu hadlaka u yiri’ Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle  Yuusuf Dabageed.

Hadalka ka soo baxay Yuusuf Dabageed oo ah madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa ku soo aadaya xilli, gobolka Hiiraan uu ka socda Hawlgal ka dhan ah Alshabaab.