Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari Abu-Albara Al Amani.

War ka soo baxay taliska Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay weerar Daacish ku qaadday degaanka Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12kii Bishan January.

“Iska horimaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawlgalada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaasoo xilkan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 ka dib markii xilligaas la dilay madaxii hore ee hawlgalada Daacish Abuu Waliid Al-Muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.

Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu dad badan oo Ethiopian ah ku qasbay in ay Daacish ku biiraan.